Farmaajo: waxaan ku bogaadinayaa Ra’iisul wasaaraha in uu soo dhisay xukuumad tayo leh

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta Kulan la qaaray Golaha Xukuumadda cusub ee uu Xalay magacaabay Ra’iiusul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay Golaha Xukuumadda cusub, islamarkaana uu Ra’iisul wasaare Rooble ku bogaadiyay soo dhisidda xukuumad tayo leh.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Villa Somalia, waxay sidoo kale sheegtay in Madaxweynuhu uu Ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyay doorka uu Dhalinyarada iyo Haweenka ka siiyay Xukuumadda cusub iyo sida uu xoogga u saarayo sii wadidda Guulihii horumarineed ee dalku gaaray.

PUNTLAND POST