Muxuu ka hadlay madaxweyne Deni, maxaase laga sugayay?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Garowe, kadib 47 maalmood oo ka maqnaa Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo dad shacab ah.

Madaxweyne Deni oo Barxadda Garowe ka hadlay ayaa soo hadal qaadin arrimo badan oo laga sugayay oo ay kamid yihiin safarkiisii Kenya iyo Imaaraadka iyo sicir bararka ka jira degaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa ku soo koobay macadcelin iyo in shacabku ka qeybqaataan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, taas oo dhowr jeer oo hore ka hadlay, sidoo kale warbaahinta ayaa loo ogolaan inay wax ka weydiiso madaxweynaha safarkiisii dibada.

Madaxweyne Deni ayaa laga sugayay inuu ka hadlo safarkii uu ku tagay Nairbi iyo Dubai iyo wixii uu kala kulmay mas’uuliyiinta shirkadda DP World ee heshiiska Puntland kula gashay Dekedda Boosaaso.

Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso.

Nuxurka heshiiska wuxuu ahaa, in muddo laba sannadood gudahood ah Shirkaddu ballaarin iyo casriyayn ku samayso Dekedda, islamarkaana lagu kordhiyo 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $336 malyan oo Dollar.

Mudadii heshiiska ku qornayd in Dekedda lagu dhiso ayaa dhammaatay 6-dii April 2019, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabtay dhismaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso.

15-kii April 2019, Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Suleyman, wuxuuna madaxweynuhu markii uu soo noqday sheegay in si toos ah dhismaha Dekedda loo bilaabi doono bisha December 2019.

Sannad iyo lix bilood kadib waxba kama fulin ballan-qaadkii Deni ee sanadkii hore, sidoo kale lama yaqaan waxa hadda dhexmaray madaxweynaha iyo mas’uuliyiin DP World.

PUNTLAND POST