Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne

Mashruuca ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

PUNTLAND POST