Turkiga oo tijaabiyay gantaalaha S-400 iyo Maraykanka oo si adag uga hadlay

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in Turkigu uu Jimcihii Shalay gantaal ku tijaabiyay meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga.

Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan.

Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin.

Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus ayaa sheegtay in Mareykanku uu u muujiyey saraakiisha ugu sarreeya ee dowladda Turkiga in soo iibsashada nidaamyada milatari ee Ruushka sida S-400 ay tahay wax aan la aqbali Karin.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay.

PUNTLAND POST