Maxay tahay internet la’aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya?

Inta badan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa maanta ka go’an adeega internet-ka oo dhow jeer oo hore sidaan oo kale u go’ay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadsahay go’naanta adeega inernet-ka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ku sheegtay ballaarin lagu adeegaas oo qaadanaysa muddo kooban.

“Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada” ayuu war qoraal ah ku yiri Siiyaha Wasiirka Boostada, Isgaarsiin iyo Teknolojiyada Soomaaliya Eng. Cabdishakuur Xasan.

Wasiirka oo ka hadlkiisa siiwata ayaa yiri “Waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban”.

PUNTLAND POST