Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa laga soo xigtay in ay weerar qorshaysan ku dileen 50 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.
Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Buulalow oo hoostimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha Danab.
Xubnaha weerarka lagu dilay, waxa kamid ah horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Hawl-gelinta Gobolka Shabeellada dhexe oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Ciil Fiidow.
Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada Danab, sidoo kalena ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay warkaasi.
PUNTLAND POST