Axmed Karaash oo magacaabay guddi soo dhoweeya Deni

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhowaynta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo geba-gabeeyay Safarkiisi dibadda.

Madaxweyne Deni, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa la filaya in uu Puntland ku soo laabto horraanta todobaadka soo socda, kadib safaro kala duwan oo uu ku tegay dalalka kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Guddiga uu magacaabay Axmed Karaash oo ka kooban 7 xubnood, ayaa qaban-qaabin doona soo dhowaynta loo samaynayo Mr Deni, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay in dalku ka baxo marxaladda kala guurka ah, islamarkaana laga heshiiyo Hannaanka Doorashada dalka, sida lagu xusay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Guddiga waxa Guddoomiye u ah wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana weheliya wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, wasiirka Haweenka, Aamina Cismaan Xaaji, wasiirka Duulista Hawada Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi, wasiirk ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali.

PUNTLAND POST