DFS oo ciidamo horleh geysay Gedo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka dejisay ciidamo ka tirsan kumandooska Gorgor.

Ciidamada oo diyaarad gaar ah waday ayaa la sheegay inay ku wajan yihiin degaannada Baladxaawo ilaa Ceelwaaq oo dhawaan ay ka dhaceen rabshado u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ciidamo kala duwan geysay gobalka Gedo, sidoo kale gobolkaas u magacowday maamul ka madax bannaan dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in doorashada xildhibaanada federaalka ee Garbahaarey aysan dhici doonin, inta ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan yihiin gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in kahor doorashada xildhibaanada federaalka, xal laga gaaro arrimaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arrinta Gedo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland, basle wadahadaladaas laguma guuleysan.

Xiisad siyaaseed iyo mid amni oo u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo ka taagan gobolka Gedo.

PUNTLAND POST