Somaliland oo mamnuucday caleemasaarka dhaqanka cusub

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay hadda wixii ka dambeeya mamnuucday caleemasaarka odayaasha dhaqanka ee cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed oo maanta kulan Hargeysa kula qaatay guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland ayaa faray inay hadda kadib tallaabo ka qaadaan caaqillada cusub ee aan soo jireenka ahayn.

“Caaqil cusub oo dambe waa mamnuuc, boor dambe oo gobol laga taagayaana majirto” ayuu yiri Maxamed Kaahin.

Maxamed Kaahin oo hadalka siiwata ayaa yiri “Hadda waxaan ognahay kuwo axsaabta siyaaasaddu dabada kawado, talaabaa ka qaadaysaan hadduu xisbiyada mucaaradka yahay iyo hadduu muxaafidka yahay, sharcigana dadka ayay kala mid yihiin oo waa la marinayaa”.

Deegaanada Soomaalida waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay saleemasaarka odayaal dhaqan oo cusub, kuwaas oo intooda badan ay ka dambeyso siyaasad.

Waagii hore odayaasha dhaqanka Soomaalida waxay ahaan jireen kuwa kooban oo soo jeedireen u badan, oo ka shaqeeya nabada iyo khilaafka beelaha, dadkuna u hayaan ixtiraam iyo qadarin.

PUNTLAND POST