Muruqmaalka dekedda Boosaaso oo shaqo joojin sameeyay

Dekedda Boosaaso

Muruqmaalka ka shaqeeya dekedda magaalada Boosaaso ayaa maanta sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo lacagta dejinta iyo rarida ee badeecadaha.

Xamaaliga dekedda Boosaaso ayaa ka cabanaya lacagta dejinta iyo rarida badeecadaha oo 3,000 Sh/S ah loo jaangooyay muddo 30 ku dhow, waxayna dalbanayaan in loo kordhiyo lacagtaas, balse waxaa dalabkooda diidan ganacsatada dekedda wax kala soo degta.

Waa xusud mudan in xiliga 3,000 ee Sh/S loo jaangoonayay shaqaalaha muruqmaalka dekedda Boosaaso uu $1 marayay 8,000 oo Sh/S ah, halka uu hadda marayo 40,000 Sh/S.

Muruqmaalka ayaa maanta afaafka hore dekedda Boosaaso ka sameeyay mudaharaad ay ku muujinayaan cabashadooda, basle ciidanka dekedda ayaa xoog ku kala eryay.

Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha muruqmaalka ayaa sababtay inay maanta xirnaato dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Muddooyinkii dambe waxaa Puntland ka jiray sicir barar baahsan, kadib markii ay kor u dhaceen lacagta adag iyo maciishada daruuriga ah.

PUNTLAND POST