Muqdisho: Labo nin oo xabsi daa’in lagu xukumay

Cumar Xuseen Abshir (bidix) iyo Xasan Cabdi Aadan

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday labo nin oo lagu eedeeyay Al-shabaab.

Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir oo la sheegay in iyagoo dhaawac ah sanadkii hore la qabtay ayaa lagu riday xukun xasbi daa’in ah, sida uu ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur ku eedeeyay inuu ahaa madaxii maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Al-shabaab, halka Cumar Xuseen Abshir Jaabir isna lagu eeedeeyay inuu ahaa darawalkiisii.

Cumar Xuseen Abshir oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu ahaa nin iskiis isaga xamaasha, balse Xeer Ilaalinta ayaa ku eedeysay inuu qayb ka ahaa weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidan bishii November ee sanadkii hore.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka lagu riday labada eedeysane uu ka furanyahay racfaan ku siman 30 cisho.

PUNTLAND POST