Guddi baaritaan iyo maamule KMG ah oo loo magacaabay dugsiga Gambool

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maamule kumeel ah u magacowday dugsiga sare ee Gambool, kadib shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsigaas.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahna ku simaha Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa warqad uu soo saaray wuxuu dugsiga Gambool maamule kumeel gaar ah ugu magacaabay Mustafe Cabdiqaadir Maxamed oo ahaa maamule ku xigeenka 1aad ee dugsigaas.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban 5 xubnood u magacowday shaqaaqadii maanta ka dhacday dugsiga sare ee Gambool.

Ardayda dugsiga sare ee Gambool ayaa maanta sameeyay mudaharaad rabshada watay.

Hoos ka eeg warqadaha ka soo baxay Wasaaradda Waxbarshada Puntland



PUNTLAND POST