Garowe: Xukun lagu ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay Al-shabaab

Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa maanta oo Axad ahayd xukun ku riday lix dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay A-shabaab.

Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Nugaal iyo Sool.

Sidoo kale maxkmadda ciidamada ayaa Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah la sheegayna inuu la socday ragga kale, ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Dhanka kale maxkamadda ayaa saddex eedeysane kale oo lagu kala magacaabo Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Cali ku riday min 20 sanno oo xasbi ah, kadib markii lagu eedeeyay in la qabtay iyagoo u socda buuraleyda Galgala.

Xeer Ilaalinta ayaa dhammaan raggan ku eedeysay inay tababaro A-shabaab ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Maxkamadda ayaa tilmaantay in xukunada lixda eedeysane uu ka furanyahay racfaan 30 cisho ah.

PUNTLAND POST