Garowe: Arday gadoodsan oo mudaharaad rabshada wata sameeyay

Maamulaha Iskuulka Gambool, Maxamed Axmed Maxamed oo gaarigiisii la burburiyay

Arday gadoodsan ayaa maanta mudaharaad rabshada wata ka sameeyey iskuulka sare ee Gambool oo kamid ah iskuullada ugu waaweyn Puntland.

Ardeyda ayaa ka gadoodsanaa macallimiin laga baddelay iskuulka iyo lacagta laga qaado arday oo la kordhiyay, waxayna weerareen maamulka iskuulka, sidoo kale waxay jajabiyeen baabuurkii maamulaha.

Iskuulka ayaa muddo saacado ah ku jiray xaaalad kacsan, iyadoo maamulku uu ku go’doonsanaa qol, waxaana markii dambe u gurmaday ciidamda Booliska.

Mudahraadku kuma ekeen oo kaliya iskuulka, balse ardayda ayaa mudaraad rabshada wata ka sameeyay qeybo kamid ah gudaha magaalada Garowe, iyagoo dhagaxan ay tureen ay waxyeeshay gaadiid.

Cabashada ardayda iskuulka sare eee Gambool ayaa muddo dheer soo jiitameysay sida ay ogaatay Puntland Post, waxayna cabashadooda dhowr jeer gaarsiiyeen Wasaaradda Waxbarashada Puntland, taas oo haba yaratee aan wax ka qaban.

Iskuulka sare ee Gambool oo dowladdu maamusho ayaa kamid ahaan jiray iskuullada ugu tayada wanaagsan Puntland, balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayay hoos u dhac weyn.

PUNTLAND POST