Puntland oo dabooshay xogta Covid-19 iyo khatar ka jirta xarunta guud ee lagu baaro

Cudurka Coronavirus ayaa si weyn ugu soo laba kacleeyay degaanada Puntland, waxayna dowladdu dabooshay xaqiiqooyinka ku saabsan xanuunkaas, kadib markii ay xakameyn weyday faafitaankiisa.

Magaalada Garowe ayaa noqotay xudunta Coronavirus ee Soomaaliya, kadib markii todobaadyadii ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay tirada ugu badan ee kiisaska xanuunkan.

Dad tiradoodu u dhaxayso 100 ilaa 150 ayaa todobaadkiiba laga diiwaangeliyaa degaanada Puntland, dadkaas 90% waxay ku nool yihiin Garowe, sida ay Puntland Post u sheegeen ilo dhanka caafimaadka ah, sidoo kale waxaa jira dad qarsada cudurkan oo dadweynaha ku dhexnool iyo kuwo dhintay oo aan la ogeyn inay u dhinteen cudurkan iyo in kale.

Khatar caafimaad iyo maamul xumo ayaa ka jirta xarunta guud baarista Covid-19 ee Puntland oo ku dhextaala isbilaalka guud ee Garowe, waa xarun ay booqdaas dadka isaga shakiya cudurka iyo kuwa doonaya warqada caddeynta Covid-19.

Inta badan ma arkaysid dadka ka shaqeynaya xarunta iyo kuwa soo booqanaya oo isticmaalaya xirashada maaskarada wajiga, galoofyada gacmaha iyo jeermis dilayaasha, sidoo kale ma arkaysid tilmaalo caafimaad oo la xiriira Covid-19, waana goob ay maalmaha qaar booqdaan boqolaal qof.

Dowladda ayaa gabtay mas’uuliyadda ka saaran badqabka shacabka, waxaana moodaa in xarunta loo furay dhaqaale ka sameyn, dadka doonaya shahaadaha Covid-19 ayaa laga qaadaa lacag dhan $50, waa sicir aad u sareeya marka loo eego Soomaaliya inteed kale.

Xarunta waxaa qalabka iyo shaqaalaha ka taageera hay’ado caalami ah, haddana lama yaqaano meesha ay ku baxdo iyo sida loo maamulo lacagta laga qaado shacabka, sidoo kale dhaqaale farabadan oo Puntland ku heshay la dagaalanka Covid-19, ayaa la aqoon sida uu u baxay, Puntland ayaa caan ku ah la xisaabtan la’aan.

Cimilada Garowe ayaa hadda aad u kulul, hase yeeshee bilaha soo socda waxaa la galayaa xili qaboobe, taasi waxay keeni kartaa in fayraska halistiisu aad u sii badato.

Daryeel caafimaad oo aan tayo la ahayn hadh iyo jeer waa caqabad ka jirta gudaha Puntland, haddana waxaa xaaladda sii xumeeyey Coronavirus ama Covid-19 oo ah dilaa aan daawo la hayn, hase yeeshee leh ka hortag.

Khubarada caafimaadka ayaa aaminsan in fayraskan lagu kala qaado dhecaanka neefsashada ee qofka cudurka qaba ka baxo marku uu qufaco ama hindhiso, dadka isku meel wada joogo oo isku dhow (ilaa 2 mitir) iyo taabashada shay ama meel fayraska leh.

Xirashada maaskarada wajiga ayaa sidoo kale khubarada caafiamadku rumeysan yihiin inay caawineyso ilaalinta caafimaadka dadka, marka ay joogaan meel dadku ku badan yahay.

PUNTLAND POST