Xaliimo Yarey oo weli xisbiyo magac u yaal ah diiwaangelinaysa

Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee xiligoodu dhamaaadka ku dhow yahay ayaa maanta shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) xisbi oo cusub.

Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Xaliimo Yarey ) guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan oo ka hadashay munaasabad loo qabtay xisbiyad cusub ee la diiwaangeliyay ayaa sheegtay in guddigooda ay qusayn doorashada dadban ee lagu heshiiyay, ayna siiwadan doonaan shaqadooda.

Xisbiyada la diiwaangeliyay ayaa magacyadoodu kala yihiin:

1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
2. Xisbiga Qaransoor
3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta
4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed
5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed
6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada.

Guddiga Xaliimo Yarey hoggaamiso ayaa lagu eedeeyaa in howlihii loo idmaday qaban waayeeen, iyadoo dhaqaale faradan caalamku ku taageeeray.

Guddiga ayaa diiwaangeliayay in ka badan 100 xisbi oo magac u yaal ah, kuwaas oo uusan jirin mid xafiiyo ku leh gobolada Soomaaliya.

Guddiga doorshooyinka madaxa bannaan ayaa waajibaadkooda ku egyahay bartamaha sanadka soo socda 2021.

PUNTLAND POST