Maxaa ka jira in la siidaayay dhakhaatiir u afduubnaa Al-shabaab?

Axmed Ciise (bidix), Juan Antonio Fernandez iyo Cyrus Oguna

Dowladaha Soomaaliya, Cuba iyo Kenya ayaa beeniyay in la siidaayay labo dhakhtar oo dalka Cuba u dhashay, kuwaas oo u afduubnaa ururka Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in warka siideynta labadaas nin uusan ahayn mid ka baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Axmed Cawad wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo lagu siideynayo ragaas, ayna kala xiriirto dowladda Cuba.

Dhanka kale qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay agaasimaha warfaafinta wasaaradda arrimaha dibada Cuba, Juan Antonio Fernandez ayuu ku beeniyay siideynta labada dhakhtar ee wadankiisa u dhashay ee u afduuban Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in dadaal loogu jiro siideyntooda.

Sidoo kale afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Kenya aysan wax war ah ka hayn siideynta dhakhaatiirta Cuba.

Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP ayaa maanta daabacay in Al-shabaab siidaayeen labada dhakhtar ee Cuba u dhashay, iyagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magacooda la qariyay.

Labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa laga afduubay magaalada Mandheera bishii Abriil ee sanadkii hore.

PUNTLAND POST