Askar lagu laayay Shabeellaha Dhexe

Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weerar miino lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaari ay saarnaayeen tiro ciidamo ah ayaa miino kula kacday duleedka galbeed ee degmada Balcad, waxaana weerarkaas ku dhintay 6 askri, sida ay werisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay 4 askari, oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ka badbaaday 2 askari oo mid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga ciidan ee la weeraray.

Gaari ciidan ee la weeraray ayaa la sheegay inuu ka tagay degmada Balcad, uuna u socday degaanka Daniga oo dhawaan ay saldhig ka sameysteen ciidamada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarka lagu laayay askarteeda ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jirto weli cid sheegatay weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacaya degaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST