Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in warbaahintii dowladda laga dhigay warbaahinta dadweyne oo si siman ugu adeegi doonta bulshada Soomaaliyeed.
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo ka qeybgalay munaasabad lagu daahfurayay guuritaanka, ayaa sheegay in warbaahinta dowladdu ay noqon doonto mid taladeeda hadda kadib wax ku yeeshaan bulshadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in warbaahinta gaar ah ee dowlad goboleedyada, iyagana hadda kadib laga dhigay warbaahin dadweyne, ayna hoos iman doonaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiir Maareeye ayaa xusay in hirgelintiisa guuritaanka warbaahinta dadweyanaha ay qaadan doono muddo sannado ah, daahfurka maantana uu yahay bilow.
Xeerka saxaafadda ee dhawaan saxiixay madaxweyne Farmaajo qodobkiisa 32-aad ayaa dhigaya in adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, faragelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta.
Xeerku wuxuu sidoo kale dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed.
Warbaahinta dowladda ee SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda Sonna, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka ayaa dhammaantood hadda waxay tabiyaan oo kaliya wararka iyo sheekooyinka magaca iyo sumcadda u yeelaya siyaasadda dowladda iyo madaxda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.