Nuxurka khudbadii Farmaajo ka jeediyay heshiiskii Suudaan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, wuxuuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee Soomaaliya ka soo gaaray dagaalkii sokeeye.

“Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo bahda Qaramada Adduunka, waxaa mas’uuliyad wadareed naga saaran in nabad lagu dhammeeyo dagaalkii ka jirey qeyb ka mid ah Suudaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay sida nabadda ay door weyn uga qaadan karto horumarka bulshada, koboca dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed oo dhab ah,taas oo dani ugu jirto Suudaan iyo guud ahaan gobolka.

“Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka.” ayuu mar kale yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhinacyada heshiiska gaaray in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba, kaas oo yeelan doona saamayn mug leh oo lagu gaaro nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan, isaga oo xusay marxaladihii iyo dadaalladii loo soo maray in la soo gaaro heshiiska wadajirka ah.

PUNTLAND POST