Deni: Waxaa soo idlaatay walwal badan oo laga qabay doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo bil ah Muqdisho u joogay geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta safar gaar ah ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Deni oo hadal kooban jeediyay inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay inay soo idlaatay walwal badan oo laga qabay geedi socodka doorashooyinka dalka, gaar ahaan xiliga iyo qaabka ay u dhacayso.

Madaxweyne Deni wuxuu tilmaamay inay guul ku soo dhamaadeen shirarkii uu Muqdisho kula yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, maadaama lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo hannaanka doorashooyinka, ugu dambeyna xalay la dhameystiro soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

“Waxaan rajeynayaa walwal badan oo laga qabay dhinaca doorashada inay maanta soo idlaatay, waxaan rajeynayaa muddooyinka soo socda in dalku si nabad iyo xasilooni ah ku geli doono doorasho” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale sidii ay isugu fahmeen hannaanka doorashada ee la qaatay.

PUNTLAND POST