Suxufigii weynaa ee Cabdulqaadir Mursal oo ku geeriyooday Maraykanka

Alle ha u naxariistee, waxaa saaka Waddanka Maraykanka ku geeriyooday suxufigii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo maalmahan ku xanuunsanaa halkaasi.

Geerida marxuum Cabdulqaadir Mursal, waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo  suxufiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan Waddanka Maraykanka, waxaana durba ka tacsiyeeyay siyaasiyiin iyo weriyaal kala duwan.

Marxuumku wuxu kamid ahaa suxufiyiintii waaweynaa ee Soomaaliya burburkii ka hor, wuxuuna agaasime ka soo noqday idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha Af-ka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, burburkii kadib wuxuu agaasime ka noqday idaacadda Codka Arrimaha Banii’adanimada ee Qaramada Midoobay maal-geliso, taas oo la oron jiray Radio IRRIN balse haatan loo yaqaan Radio Ergo.

PUNTLAND POST