Kumaandooska Danab oo hawlgal ku laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee Danab oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa la sheegay in ay halkaasi ku dilay horjoogayaal iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka oo laga fuliyay tuulada Sahan-yarey oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeellada hoose ayaa lagu dilay laba horjooge iyo lix dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Danab.

Labada horjooge midkood oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Awoowe waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeellada hoose halka kan kale oo magaciisu yahay Abu-qadaab uu isna qaabilsana qaraxyada gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha Danab waxay sidoo kale sheegeen in hawlgalka lagu burburiyay maxkamad Al-shabaab leeyihiin oo halkaas ku taallay islamarkaana gacanta lagu dhigay liis ay ku qoran yihiin garsoorayaashii maxkamaddaas.

PUNTLAND POST