Wefdi ka socda Puntland oo gaaray Degmada Qandala

Wefdi ka socda Xukuumadda Puntland, oo ka kooban Wasaaradaha qaarkood iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bari, ayaa xalay gaaray Magaalada Qandala ee Gobolkaas Bari.

Wefdiga waxa hoggaaminaya Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Bari  Cabdisamed Yuusuf Maxamed (Abwaan), Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) iyo Mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta oo u kuur-galaya Xaaladda Degmada Qandala, ayaa xalay ku caweeyay Xeebta Magaalada waxaana ay socod ku soo mareen jidadka iyo xaafadaha kala duwan ee Qandala ka koobantahay.

PUNTLAND POST