Roobabkii deyrta oo ka curtay Puntland

Roobabkii deyrta ayaa xalay ka curtay degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna Gobollada Sool iyo Cayn.

Meelaha xalay roobsaday waxaa kamid ah, Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo dhulka hoosyimaada, kuwaas oo Roobku qaarba si’ ku ahaa, iyadoo ay jiraan degaanno si fiican u roobsaday.

Sidoo kale, waxa Roobku ka da’ay xalay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn iyo degaanno badan oo hoostaga, inkastoo uu kala duwanaa Roobku meelaha qaarna uu ku yaraa.

Degaannada Roobsaday waxaa kamid ah Widhwidh, Dhumay, Saaxdheer, Balihadhac, Kalabaydh, Dharkayn-geenyo iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan.

Wixii wararka Roobka ka soo kordha kala soco Puntlandpost.net