Doodii ugu horreysay oo dhexmartay labada musharax ee doorashada Mareykanka

Dood adag ayaa dhexmartay madaxweynwha Mareykanka Donald Trump iyo ninka ay ku tartami doonaan doorashada soo socota ee Joe Biden.

Doodan oo ahayd tii ugu horreysay, doodo saddex ah oo ay yeelan doonaan Trump iyo Joe Biden, ka hor doorashada 3-da bisha November ee sanadkan ayaa ka dhacday magaalada Cleveland ee gobalka Ohio.

Dooda waxaa dhexdhexaadiye ka ahaa Chris Wallace oo ka tirsan telefishanka Fox News, waxaana daawanayay qiyaastii boqol malyan oo dadka Mareykanka ah, halka ay si toos ah uga qeybgaleen boqol qof oo kaliya, xannuun Coronavirus dartiis.

Su’aalaha dooda ayaa ku saabsanaa lix mowduuc oo kala ah, waxa diiwaanka taariikhda ugu jira labada musharax, xanuunka Covid-19 ee dhibka weyn u geystay Mareykanka, dhaqaalaha Mareynkanka ee uu saameeyay Covid-19, soo magacaabista Trump ee haweynayda ku biiraysa gaadiyada maxkamadda sare, mabaadiida doorashada Mareykanka iyo rabshadaha midab takoorka.

Dooda ayaa ku bilaamatay xasrad iyo is dhaleeceyn, iyadoo labada musharax ay isku mar hadlayeen, wuxuuna weriyuhu u muuqday inuu lumiyey xakamaynta dooda.

Joe Biden wuxuu ku tilmaamay Trump madaxweynihii ugu xumaa ee abid soo maray Mareykanka, wuxuu ku dhaleeceeyay qaabka uu maareeyay cudurka faafa ee Coronavirus, ku guuldaraysiga inuu soo saaro qorshe daryeel caafimaad iyo jawaabta uu ka bixiyay mudaharaadyadii ka dhashay caddaalad darrada midab takoorka.

PUNTLAND POST