Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Dhigiisa Norway

Safiirka Dowladda  Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay danjireyaasha labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Isaaq kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan  haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.

Waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq.

Dowladda Norway ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.

PUNTLAND POST