Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay taliyeyaasha ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulmay taliyeyaasha ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka Banaad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu taliyeyaaasha ciidamada la wadaagay qorsheyaal lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay taliyeyaasha ciidamada qorshihuisa xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu faray Ra’iisul Wasaare Rooble in waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, fududeynta dhaqdhaqaaqa bulshada iyo xasilinta amniga caasimadda Muqdisho.

“Waxaan idin ku  adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhanka kale Guddiga amniga qaranka ayaa sheegay inay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku addaan amniga dalka.

Kulanka waxaa ka qayb galay siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee xilgaarsiin.

PUNTLAND POST