Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay safiirada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah safiirrada caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qaabilay safiirada Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, Iswiidhan, Ingiriiska, Shiinaha, Jabuuti, Midwoga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo safiir ku xigeenada Turkiga Qadar.



Amb. Cawad ayaa tilmaamay in safiirada caalamka ay Ra’iisul Wasaare Rooble ugu yimaadeen inay ugu hambalyeeyaan xilka uu la wareegay, sidoo kalana ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga mahadceliyay safiirada Beesha Caalamka booqada ay ugu yimaadeen iyo taageerada ay mar walba la gatabtaagan yihiin Soomaaliya, isaguna uu ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto xiriirka iskaashiga ee ay la leedahay Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay xafiiska la wareegay ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda soo dhiso xukuumad cusub.

PUNTLAND POST