Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka la wareegay

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegay Mahdi Maxamed Guuleed oo si ku meelgaar ah u siihayay xilkaas.

Munaasad kooban oo ka dhacday Muqdisho ayuu ra’iisul wasaare Rooble xilka kula wareegay, waxaana munaasabadaas ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida sharciga ah ra’iisul wasaaraha cusub waxay ahayd inuu xilka kala wareego ra’iisul wasaarihii la riday Xasan Cali Khayre oo horey xilkaas loogu dhaariyay.

Warqad uu shalay Xasan Cali Kheyre u diray ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka xafiiska ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Kheyre wuxuu warqadda ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilwareejin ku sameeyo muddo asbuuc gudihiis ah, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda dadaallada loogu jiro horumarinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii la riday Xasan Cali Kheyre si deg deg Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumaddii la riday ugu magacaabay ku sime.

PUNTLAND POST