Puntland oo xukuno ku riday 5 eedeysane

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi u diray 5 nin oo lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish.

Eedeysane lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Siciid ayaa lagu riday xukun dil ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol, Ibraahim Bile Maxamed.

Xasan Moosow Cali, Cabdikariin Cali Maxamed iyo Xuseen Cabdiqaadir Maxamed oo ah dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 18 ayaa maxkamaddu ku xukuntay 20 sanno oo ah xabsi ah, halka Cabdiqafaar Siciid Yuusur lagu xukumay 15 sano oo ah xasbi.

Xeer ilaalinta maxkmadda ayaa raggan ku eedeysay inay Koonfurta Soomaaliya uga yimaadeen si ay falal amni darro uga geystaan degaannada Puntland.

Maxkamadda ayaa xustay in muddo 30 cisho ah xukunka ka furan yahay racfaan.

PUNTLAND POST