Dowladda Turkiga oo Garoowe ka furanaysa xafiis laga helayo adeegyada fiisaha dalkaas

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Dowladda Turkigu ku leedahay Soomaaliya, oo maalmahan ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Saraakiisha Safaaradda Turkiga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, ayaa ka wada-hadlay furitaanka Xafiis ay si ku meel gaar ah ugu shaqayn doonto Qunsuliyadda Turkiga ee Puntland, kaas oo qaabilsan bixinta adeegyada fiisaha dalkaasi.

Todobaadkan gudihiisa, ayay sheegeen Saraakiisha Safaaraddu in la furayo Xafiiska oo la yiraahdo (MS Visa), kaas oo dadka ku nool Puntland ay ka heli doonaan fiisihii Turkiga ee ay ka doonan jireen Muqdisho.

PUNTLAND POST