Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay heshiiska doorashooyinka ee dhawaan gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulan wadajir ah oo maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliaya ayay ku ansixiyeen heshiiskaas. Waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 252 mudane, waxaa diiday 2 mudana, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Ka hor inta aan la ansixin heshiiska waxaa xildhibaanada labada aqal loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne Farmaajonee ansixinta heshiiskaas.

Qodob ka mid ah nuqulka baarlmaanka loo qeybiyay waxaa ku qormaa in baarlamaanka 10-aad uu xilka sii heynayo illaa maalinta la dhaarinayo xildhibaannada la soo doorto ee baarlamaanka 11aad.

Sidoo kale heshiiska doorashooyinka waxaa ku jira qodobo aan la qeexin, oo ay ka kamid yihiin soo xulista ergada oo ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saari doona xeer lifaaq ah oo lagu sharciyayn doono heshiiska siyaasaded ee doorashooyinka.

PUNTLAND POST