Madaxweynihii Hore Ee Fransiiska Oo Eedeymo Culus Wajahaya

Maxkamad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid madaxweynihii hore ee waddankaas Nicolas Sarkozy, oo ka dalbaday in la burburiyo baaritaan ku saabsan eedeymo loogu jeediyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay dalka Liibiya.

Sarkozy ayaa wajahaya dacwad la xidhiidha inuu hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al Qadaafi, ka helay garab caawinaad ah oo uu ku maareynayay ololihii doorashada ee uu galayay sanadkii 2007-dii.

Xukunka kasoo baxay amxkamadda racfaanka ee magaalada Paris ayaa ka dhigan in Mr Sarkozy iyo dad kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ay la kulmi karaan maxkamadeyn.

Hase yeeshee, eedeysaneyaasha ayaa wali heysta fursad ay racfaan uga qaataan maxkamadda ugu sarreysa Faransiiska.

Sanadkii 2013-kii, Faransiiska ayaa furay baaritaan ka dhan ah ololihii doorashada ee Mr Sarkozy, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka faa’iideystay lacago malaayiin euro ah oo si sharci darro ah looga qaatay Qadaafi.

Wuxuu ku hungoobay ujeeddadiisuu ahayd in mar kale xilka madaxweynaha loo doorto sanadkii 2012-kii. Markaas waxaa doorashada uga adkaaday François Hollande.

PUNTLAND POST