Muqdisho: Cabdixakiin Camey oo loolan ugu jira in uu ka soo dhex muuqdo Xukuumadda cusub

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, haatana ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Itoobiya Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa loollan adag ugu jira in uu ka soo dhex muuqdo Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

 Warar hoose oo Puntland Post heshay, ayaa xaqiijinaya in mudane Cabdixakiin Cameey oo aad u taageersan Madaxweyne Farmaajo uu durba xiriir la sameeyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka, oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kuwaas oo uu ka dalbaday in ay la raadiyaan xilka Wasiirnimo.

Eng Camey, wuxuu sida la sheegayo raadinaya xilka Wasiirnimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  balse ma jirto wasaarad gaar ah oo uu doonayo in loo dhiibo, taas oo ka dhigan in uusan ka dayrin doonin wasaarad kasta oo loo magacaabo.

Dadka falan-qeeya Arrimaha Siyaasadda, ayaa sheegaya in Eng Cabdixakiin Camey uu heli karo fursad uu kaga soo dhex muuqdo Golaha Wasiirada cusub, maadaama aad ugu dhowyahay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana saaxiibo  ku leeyahay Villa Somalia.

PUNTLAND POST