Boqorka Sacuudiga oo taageeray Qorshaha Maraykanka ee Bariga dhexe

Boqorka waddanka Sacuudiga Salmaan bin Cabdicasiis oo khudbad ka jeediyay Kulank 75-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan Barnaamijka wada-hadalsiinta Israa’iil iyo Falastiin oo Maraykanku hoggaaminayo.

Boqor Salmaan ayaa sheegay in dowladda Sacuudigu ay si buuxda u garab-taagantahay Barnaamijka Nabadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee ay hormuudka u tahay dowladda Maraykanka kaas oo la doonayo in dib loogu bilaabo wada-hadalsiinta labada dhinac.

Sidoo kale wuxu ku baaqay in mowqif midaysan laga qaato ururka Xisbullaahi iyo dowladda Iraan oo sida uu sheegay ah Cadowga ay wadaagaan dhinacyada  Israa’iil iyo Falastiin.

Boqor Salmaan wuxuu sheegay in uu taageersanyahay Barnaamijka Nabadda Bariga dhexe oo sida uu xusay Maraykanku hormuud u yahay balse wuxu ka digay in dalalka qaarkood xagal-daacinayan Barnaamijkaas.

PUNTLAND POST