Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilowday Tukaraq

Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo horleh ka bilowday jiidda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Degaanka Tukaraq waxa Shalay gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale oo ay weheliyaan saraakiil Ciidan kuwaas oo kormeer ku sameeyay Taliska Somaliland ee Tukaraq.

Wefdiga ayaa la kulmay Saraakiisha kala duwan ee ku sugan Taliska Ciidamada Somaliland ee jiidda Tukaraq halkaas oo todobaad ka hor dagaal ku dhexmaray jabhadda SSC iyo Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa jiidda Tukaraq ku kordhisay tiro kamid ah gaadiidka uu saaranyahay hubka Taangiyada loo yaqaano.

PUNTLAND POST