Ra’iisul Wasaare Rooble oo codka kalsoonida helay

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Roooble

Kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 215 mudane ayaa dhamaantood codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Roooble

Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey guddoomiye Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay wehelinayeen ku xigeenadiiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa xarunta baarlamaanka ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha codka kalsoonida helay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay markii codka la siiyay ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo iyo baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka turjumaysa xaaladda dalka, taas meelmarisa doorasho xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu wada yahay.

Ugu dambeyna Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiray kulanka, isagoo u macadceliyay Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST