Muxuu ballan-qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble?

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ballan-qaadyo ka horsameeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo weydiisanayay codka kalsoonida.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay intaan la ansixin ka hor ayaa sheegay in howlaha ugu horreeya oo mudnaanta siin doono ay yihiin siddeed arrimood oo kala ah.

1. Arrimaha amniga

2. Arrimaha doorashooyinka

3. Horumarinta dhaqaalaha iyo adeega bulshada

4. Caddaaladda iyo garsoorka

5. Dowlad wadaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa

6. Dib u eegista dartuurka

7. Dhab u heshiisiinta

8. Iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa tilmaamay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka fulisa hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo codka kalsoonida helay ayaa haysta wakhti aad u yar oo billo ah, waxaana kor yaalla shaqo ballaaran oo ay kamid tahay fulinta heshiiskii Muqdisho.

PUNTLAND POST