Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo weli kulamo ka wada Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ayaa Xalay la kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay in ka badan 50 xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Muqdisho kuwaas oo uu ka dalbaday in ay siiyaan Codka Kalsoonida maadaama uu dhowaan hortegayo Baarlamanka.

Kulanka waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday Kulamo uu Xildhibaannada Baarlamanka kaga raadinayo Codka Kalsoonida si uu u soo dhiso Xukuumad cusub.

PUNTLAND POST