Madaxda Soomaaliya oo ka shiray sidii loo ansixin lahaa heshiiskii Muqdisho

Waxaa maanta kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii baarlamaanku u ansixin lahaa heshiiskii dhawaan ay Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiska hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa heshiiska madaxda Soomaaliya ka xumaaday, waxayna ku tilmaameen hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay mid ka hooseeya yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay.

PUNTLAND POST