Ciidanka DANAB oo dad rayid ah ku laayay Shabeellada Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Dowladda Soomaaliya ee DANAB ay halkaasi ku laayeen dad Rayid ah kadib markii ay ku qaldeen Al-shabaab.

Hawlgal qorshaysan oo habeen hore Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen Tuulada Mooyilow oo ka tirsan Degaanka Tooratoorow ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dileen 8 ruux oo shacab ah kuwaas oo hurday masjid ku yaal Tuuladaas.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dadka masaajidka lagu laayay ay ahaayeen kuwa socoto ah oo Tuulada ka waayay meel ay seexdan sidaasna masaajidka ku seexday balse Ciidanku ay ku qaldeen Saraakiil Al-shabaab ah.

Taliska DANAB ayaan dhankooda weli ka hadlin wararka sheegaya in ay dad rayid ah ku dileen hawlgalkaasi qorshaysan ee habeen ka hor ka dhacay Shabeellada Hoose.

PUNTLAND POST