Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka caawinaysa Sugidda Amniga Doorashooyinka

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa shaacisay in uu Soomaaliya ka caawin doonto arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka Amniga, gaar ahaanna Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka soo socda.

Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  James Swan, oo  kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, ayaa ballan-qaaday in Xafiiskiisu Soomaaliya ka caawin doono Sugidda Amniga Doorashooyinka.

Kulanka labada mas’uul, ayaa sida weyn loogu faaqiday kulanka isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, iskaashiga dhanka Amniga iyo qorshaha Ammaan ee doorashooyinka soo socda.

Qaramada Midoobay, ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageertaa dhinacyop dhowr ah oo ay ugu horreeyaan dhinacyada Ammaanka iyo sidoo kale dhanka Taageerada xaaladaha Bani’aadanimo.

PUNTLAND POST