Deni oo la kulmay Guddoonka Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.

Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo.

Guddoonka Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha Puntland doorka muhiimka ah ee ka qaatay arrimaha samata bixinta dalka.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo ay la yeelanayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka.

PUNTLAND POST