Xuutiyiinta oo weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday Sacuudiga

Gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa ku dhacay xaafad ka tirsan gobolka Jizan ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan qof oo rayid ah, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda.

Dadka rayidka ah ayaa loola cararay isbitalka kadib markii ay gaareen “dhaawacyo fudud” oo ka dhashay firirka gantaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Saddex baabuur ayaa sidoo kale ay waxyeello kasoo gaartay gantaalkan oo ku dhacay xaafad ku taalla xuduudda oo aan la sheegin magaceeda.

Kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran, weli ma sheegan mas’uuliyadda weerarka.

Xuutiyiinta oo ah koox shiico ah ayaa bilihii tegay sare u qaaday weerarada gantaallada iyo kuwa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu fuliyo ee ka dhanka ah Sacuudi Carabiya, ayaga oo beegsanaya gobollada koonfureed ee ku teedsan xuduudda labada dal, iyo sidoo kale magaalada caasimadda ah ee Riyadh.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo uu Xuutiyiinta kula dagaalamayey dalka Yemen in ka badan shan sano, ayaa sheegay inay dhexda ka qabteen inta badan gantaallada.

PUNTLAND POST