Saqiir 5-sano jir ah oo lagu kufsaday Muqdisho

Magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Degmada Kaaraan, ayaa markale laga soo weriyay kiis kufsiya oo argagax leh, kaas oo sida la xaqiijiyay loo gaystay gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 5-sano jir.

Gabadha yar oo lagu magacaabo Samiira Yuusuf Maxamed, ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer, si baaritaan loogu sameeyo, waxaana natiijada baaritaanka lagu xaqiijiyay in kufsi ba’an loo gaystay.

Qoyska gabadha dhalay, ayaa laga soo xigtay in Kufsiga uu gaystay nin kamid ahaa dadka deggan Xaafadda, kaas oo baxsaday kadib markii uu si xun u kufsaday ilmaha yar ee Saqiirka ah.

Sidoo kale, Qoyska ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo Ninka ku eedaysan kufsiga ilmahooda, islamarkaana ay caddaalad helaan.

Kufsiyada argagaxa leh, ayaa todobaadyadii dambe ku soo badanayay Magaalada Muqdisho, waxaana kamid ahaa kii gabadha la kufsaday haddana dabaqa laga soo tuuray.

PUNTLAND POST