Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanno badan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka, ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanno weheliya ay Maanta oo Axad ah la kulmeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Mudane Guuleed iyo xildhibaannadu ay Ra’iisul wasaaraha cusub ugu hambalyeeyeen xilka loo magacaabay, islamarkaana u muujiyeen taageero iyo garab-istaag buuxa.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale xalay la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka iyo xildhibaanno weheliya kuwaas oo uu ka doonayo Codka Kalsoonida.

Dhinaca kale, Mr Rooble ayaa isla xalay farriin uu soo duubay, wuxuu Golaha Shacabka kaga dalbaday in ay Codka Kalsoonida siiyaan, si uu u guto waajibaadka dalka ee loo igmaday.

Isniinta berriya, ayaa lagu wadaa in uu Golaha Shacabka hortego Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida, kadibna uu soo dhiso Xukuumad cusub.

PUNTLAND POST