Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri” Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.”

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay in Kulanka Madaxweyne Ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo Safiirka Jabuuti looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti” Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST