Donald Trump iyo Joe Biden oo isku khilaafsan xilliga magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa sheegay in todobadka soo socda uu magacaabi doono haweeneey badasha xilka ama jagada ay baneysay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Cadaaladda dalkaasi oo maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay kuu geeriyootay Magaalada Washington ee cariga Maraykanka.

Mr Trump ayaa hadaladaasi ka sheegay  isu soo bax olole oo ka dhacay Fayetteville, North Carolina Sabtidii,wuxuuna intaasi raaciyay in isbuuca soo socda uu soo  bandhigi doono  qof haween ah oo lagu badallo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Cadaaladda

Joe Biden, oo ah ninka la tartamaya Mr Trump  ayaa ku adkeysanaya in magacaabidda madaxa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Caddaaladda lagu dhawaaqo,ka dib  codeynta doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaasi.

Mr Trump,ayaa mar sii horeysay ammaan u soo jeediyay  laba garsoore oo dumar ah oo ka shaqeeya maxkamadaha racfaanka ,kuwaas oo lagu kala magacaabo Amy Coney Barrett iyo Barbara Lagoa ,waxaana suurtagal ah in todobaadka soo socda uu magacaabo mid ka mid ah labadaasi haween.

Maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ayeey aheyd markii Ginsburg, oo 87-sano  jir ah, ay ku dhimatay Magaalada Wahington,ka dib markii uu haleelay cudurka  Kansarka

PUNTLAND POST