Shirkadda Maraakiibta ganacsiga Djibouti oo ka hawl bilowday Muqdisho

Daahfurka shirkadda maraakiibta Ganacsiga Djibouti ayaa markii u horraysay Shalay ka hawl bilowday gudaha Soomaaliya.

Wakiilka shirkadda Maxamed Cabdixaliim oo ka hadlay munaasabad gudaha dekedda Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in shirkadoodu 14 maalmood oo keli ah ay kaga keeni doonto xamuulka dalka Turkiga, halka shirakadaha kale safarkoodu uu yahay ugu yeraan 45 cisho.

Farhat Akkat oo ah maamulaha shirkadda Albeyrak ee dekedda Muqdisho maamusha ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkadda cusub ee qaabilsan daabulidda shixnadaha ganacsiga, ee sida tooska ah isugu xireysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Djibouti ee Soomaaliya iyo xubno kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay shirkaddan cusub.

PUNTLAND POST